Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Nin miino Aasayay

Ciidamada Nabad Sugidda gaar ahaan kuwa si gaar ah uga ka howlgalla Magaalada Dhusamareb ee Xarunta Galmudug ayaa gacanta ku Dhigay nin aasayay waxyaabaha qarxa iyo aalad uu ku isticmaalay in uu ku qarxiyo.

Qaraxa ayaa la galiyey goob lagu iibiyo Jaadka waxaana haweenkii iibiniyey jaadka ay gacanta ku dhigeen Nin ka aasay iyagoona ugu Dambeyn ay Goobta yimaadeen Ciidmada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Ciidamada Nabad sugida ayaana la wareegay wiilkaan qaraxa aasey iyo Rumuudkii uu ku hagayey, iyaga oo geeyay Xarun ay ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb.