Musharixiinta Madaxweynaha oo dalbaday in uu xilka baneeyo Taliyaha NISA

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa War-muriyeedka ay soo saareen oo ay uga hadleen Arrimaha doorashooyinka waxaa kujira qodobo xasaasi ah oo ay kamid yihiin in uu xilka baneeyo taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qodobka 11aad oo kamid ah 18 qodob oo ay musharixiinta soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen In , iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan  dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay’adda NISA maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay’adda NISA.

Lama oga sida Madaxweyne farmaajo uu ka yeeli doonaan go’aanka ay Maanta soo saareen guddiyada doorashooyinka iyo dalbaka ah in uu xilka baneeyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.