XOG: Qaramada Midoobay oo Amartay in si deg deg ah lagu qabto doorashooyinka labada Aqal

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska siyaasada QM ee xaruntooda ku taalla Xalane ee Muqdisho ayaa sheegay in lagu amray Wakiilada QM u qaabilsan M/Goboleedyada in ay xiriir la sameeyaan Guddomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Ujeedka xiriirka ayaa ah in QM ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gudagalo dadajinta hanaanka doorashada ee 2021.

Sidoo kale waxaa Shabelle lala wadaagay xogta ah in Xafiiska Siyaasada ee QM uu Guddoonada Baarlamaanada Maamul-goboleedyada diyaar ula yahay bixinta dhammaan lacagaha ku baxaya Doorashada Senatka.

Wararka la helayo waxaa ay intaa ku darayaa in toddobaadkan gudihiisa la filayo in Garowe iyo Kismaayo ay tagayaan Wafdi ka socda QM gaar ah arrimaha Siyaasada (UN political Office in Mogadishu), si xal loogu helo tabashada labadaasi Maamul.