Dad ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla meel u dhow Garoonka Aadan Cadde.

Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada jalaato Devino, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa xaqiijiyay in 7 ruux oo meyd ah ay goobta ka qaadeen, halka dhaawacuna uu kor dhaafayo 10 ruux.

Ruuxa is qarxiyay oo la sheegay in uu gudaha u galay Maqaayadda, waxaana  uu isku dhex qarxiyay koox u badan dhalinyaro.