Dowladda Soomaaliya oo dalka ka saartay safiirka Kenya una yeertay Safiir Tarsan

Dawladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya mudane Tarsan, halka safiirka Kenya ee Soomaaliya lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Tallaabadan waxay dawladda Soomaaliya ku micnaysay faragalinta ay Kenya ku hayso deegaanada Jubbaland.

Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xumaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ,iyada oo Dowladda Soomaaliya ay joojisay jaadkii la imaan jiray Kenya.