Musharixiinta oo bilaabay in walaacooda doorashooyinka u gudbiyaan Beesha Caalamka

Gudoomiyaha XISBIGA SAHAN Cabdikarim Hussein Guuleed ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka UK ee Soomaaliya Amb, Ben Fender.

Kulanka oo ka dhacay Gudaha Safaarada UK ee Muqdisho ayaa Musharax Madaxweyne Cabdikarim Guled iyo Danjire Ben Fender waxa ay ka wada hadleen Arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo welwelka ay Murashaxiinta Madaxweyne ka qabaan hannaanka loo marayo doorashada dalka.

Labada dhinac ayaa si wanaagsan isula fahmay dhammaan howlihii ay ka wada hadleen, waxaana uu danjiraha UK caddeeyay in gacan ay ka geysan doonaan sidii doorashada Soomaaliya ay u noqon laheyd mid wada oggol ku dhacda.