Dhacdo Naxdin leh Nin xaaskiisa ku dilay Muqdisho

Ninka oo ahaa AskariĀ  ka tirsan Ciisamada Dowladda Soomaaliya laguna Magacaabo Axmed Cabduqaadir ( Axmed Jareere) ayaa galabta xaaskiisa Sahra Cusmaan ku dilay magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay lamaanahan ayaa sanad kayar wada noolaa, waxa uuna dilkan oo askariga u adeegsaday qoray AK47 ah, kadib markii ay murmeen lamaanahan.

Dilkan ayaana argagax badan ku beeray dad badan oo maqlay, dilalka nuucan ayaana mudooyinkan dalka kusii badanaya, waxaana ku raadjooga askariga laamaha Amniga Soomaaliya.