Kenya oo ka jawaab rasmi ah ka bixisay Go’aankii DFS kuna dhawaaqday War culus

Dawladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah  ka bixisay Go’aankii xalay dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay Safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo,isla markaana ay ugu yeertay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in aanay soo gaarin warqad rasmi ah oo uga timid Dawladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay ugu yeeratay Safiirkeedii Nairobi.

Sidoo kale Dawladda Kenya  waxaa ay qoraalkeeda ku  sheegtay in ay sii wadayso taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalkii xalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay sababta ay tallaabadaas u qaaday ay la xiriirto in Dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso Arrimaha  gudaha Soomaaliya, iyada oo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee Doorashooyinka.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo salka ku haaya Arrimo la xiriira kiiska Badda & doorasoyinkii ka dhacay Jubbaland, waxana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay joojiso jaadkii ka imaan jiray dalkaasi Kenya.