Puntland oo joojisay in Canshuurta Dekadda Boosaaso lagu qaado Shillin Soomaali

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga Xukuumadda u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta  lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Og: Xisaabiyaha Guud Ee Puntland

Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Puntland

Og: Bangiga Maamulka Puntland

Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.

Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.

Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli maalmihii las oo dhaafay sicir barar xaka dollarka ah oo ka taagan yahay Magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo, isla markaana Ganacsatada iyo dadka kale ay cabanayeen.