Dhaqtar Caan ah oo lagu dilay Kismaayo & faah faahin laga helayo

Kooxo hubaysan ayaa xalay magaalada Kismaayo gaar ahaana aaga lagu magacaabo  Fiyo Af-Madoow ku dilay Dr Yusuf Axmed (Yusuf Yare ) oo ka mid ahaa dadka si weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysanaayeen Bastoolado,islamarkaana dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta ka howlgashada Kismaayo sidda ay Risaala  u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.

Dilal qorsheysan ee loo geysanaayo dadka Shacabka ah ayaa kusoo batay bilooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Kismaayo.