Diyaarad uu saarnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ciladowday

Sida ay  xaqiijiyeen goobjoogayaal Diyaarad uu saarnaa Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdixakiin Luqmaan iyo qaar kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa cillad farsamo soo wajaday.

Diyaarada ayaa ka duushay garoonka Magaalada Jowhar waxaana ay kusii jeeday Beledweyne.

Diyaarada waxaa ku timid cillad xagga matoorka ah, waxaana ay si degdeg ah uga dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu waddaa Gudoomiyaha in uu ka duulo Muqdisho uuna gaaro Beledweyne, maadaama ay halkaasi ka taagan tahay hub aruuris ay sameynayaan maleeshiyaad kasoo horjeedda maamulka Hirshabeelle.