Midowga Musharixiinta oo kasoo horjeestay Go’aankii dowladda

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa War Saxaafadeed kasoo saaray Go’aankii Xukuumada Soomaaliya ugu yeeratay Safiirkeeda kuna amartay Safiirka Dowlada Kenya ee Soomaaliya in uu dib ugu laabto Dalkiisa.

Golaha Musharaxiinta ayaa sheegay in go,aankaas uu yahay mid lagu galaayo ololo doorasho laakiin uusan aheyn mid ku yimid Xaalad faragalin.

Waxa ay sidoo kale ka digeen khalaalase Siyaasadeed in uu dalku galo.

Dawladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.