Somaliland oo ku dhawaaqday hadal culus, kaddib Go’aankii DFS

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay sii xoojinayso xiriirka Diblumaasiyadeed ee ay la leedahay waddanka Kenya.

Amb Baashe Cawil, wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa qoraal uu soo dhiggay Twitter-kiisa ku sheegay in ay sii xoojinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dhinac si labada Shacab uga faa’idaystaan.

Hadalka Amb Baashe, ayaa ku soo beegmaya iyada oo Dawladda Soomaaliya go’aamisay in ay u yeeratao Safiirkeedii Nairobi kii Kenyana dalka ka saaray.