Dhacdo Naxdin leh: Nin hooyadiis tooreey ku dilay Muqdisho

Wararaka laga helayo Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa nin uu hooyadiis oo 70 sano jir aheyd Mindi ama Toorey ku dilay.

Ninkaan ayaa la sheegay in Hooyadiis uu ka dalbaday in dhul boos ah oo ay u gado si uu ugu dhoofo, iyada oo dalabkaas ka biyo diiday.

Ugu dambayn caawo ayuu Toorey nafta ku dhaafiyay, isagiina hadda Booliska ayaa xiray, sida ay sheegeen dad ku sugan halka uu falka ka dhacay.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay kamid tahay kuwa naadirka ah ee ka dhaca dalka, waxaana ay kusoo badanee  bilihii la soo dhaafay.