Somaliland oo riyo maalmeed ku tilmaamtay magacaabistii Yuusuf Garaad

Soomaaliland ayaa si cad uga soo horjeestay xilkii shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u Magacaabay Danjire Yuusf Garaad Cumar ee ahaa Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,  iyada oo ku tilmaamtay riyo maalmeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Somalland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xaduudaheeda, sida, Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika gaar ahaan Badda cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Magacaabista Dowladda Soomaaliya  Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay riyo maalmeed iyo shego Calwaa ah lagana leeyahay ujeedo ah in la marin habaabiyo bulshada Caalamka  ee qadiyada madax bannaanida Soomaaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa Beesha Caalamka, Midowha Afrika & Urur Goboleedka IGAD ku wargelisa in Magacaabista dowlada Soomaliya ee Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay faragelin qaan & dagaal ka dhan ah Soomaaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin difaacida iyo madax banaanida Soomaliland

Hoos Ka Akhriso Qoraalka  kasoo baxay Soomaaliland.