Diyaarado duqeyn ka geystay degaano ka tirsan Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka  dalka kenya ayaa duqayn ka geystay  Deeganka daarusalaan oo hoosyimaada degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, duqeyntaas oo Wasaare kala duwan geysatay.

Ilaa sadex Diyaaradood oo Joog hoose ku socda ayaa la xaqiijiyay inay duqayn ka geysteen degaanka  Darusalaan ,waxaana la sheegay in duqeynta ay ku dhinteen Xoolo farabadan, sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad Xoolo dhaqato ah.

Sawiro laga soo qaaday Diyaaradaha ayaa waxaa ay muujinayeen inay duqaynayeen goobo ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla Magalada Ceelwaaq iyo daafaheeda.