Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ee Puntland oo go’aan ku dhawaaqay

Xildhibaannadii xasaanadda laga qaaday ee maamulka ayaa xalay shirjaraa’id oo ay Garoowe ku qabteen waxa ay ku beeniyeen in xasaanad iyo xilkii xildhibaannimoba laga qaaday, waxaana ay sheegeen in wali ay ka tirsan yihiin baarlamaanka Puntland.

Waxa ay sheegeen in sharciga ku garnaqsanayaan, sidoo kalena ay tegeyaan xarunta Baarlamanka si ay u ilaaliyaan sharciga iyo xeerhoosaadka baarlamaanka Puntland oo shaqsiyaad aysan gacmaha ku qaadan karin.

Shacabka ayey ugu baaqeen in ay is dejiyaan isla markaasna ilaaliyaan midnimada iyo Amniga Puntland.

Mudanayaasha hadlay waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.