Axmed Madoobe oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ku wareejiso Gobolka Gedo

Axmed Madoobe oo aad u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu ka qaato doorka uu leeyahay Arrimaha doorashooyinka madaama uusan aheyn musharax.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato ayuu yiri” Axmed Madoobe”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay qoraal ku cadeeyaan Jubbaland halka ay doorashada ku qabaneyso ama inay la wareegeen Gobolka Gedo, iyaga oo cadeynaya sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Dowladda, waxaana uu dhowr mar ku cel celiyay in doorasho aan lagu qabaneyn Gobolka Gedo ilaa lagu wareejinayo Maamulka Jubbaland.