Guddiga lagu muransan yahay ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo Guddoon doortay

Guddiga lagu muransan yahay ee xalinta Khilaafaadka  doorashooyinka ee ay diideen musharaxiinta iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

Guddigaan ayaa ku xareysay hoteel ku yaalla Muqdisho, waxaana ka maqan xubnihii heer dowlad goboleed ee maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa gudoomiyaha guddiga loo doortay Cabdullaahi Abyan Nuur, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed Ibraahim.

Cabdullaahi Abyan Nuur Gudoomiyaha cusub ee Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in uu si caddaalad ah u shaqeyn doono.

“Waxaan naloo doortay xil uu ilaahey na wey diin doono, umaddana ay nagula xisaab tami doonaan” ayuu yiri.