Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo Guddoon doortay

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee lagu muransan yahay  ee ku xareysan Hotel Decale ayaa maanta doortay Gudoon cusub.

Gudoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Kuxigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Guddigan oo Xukuumadda soo magacawday ayaa ka mid ahaa Guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga soo horjeestay guddigaan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga.