Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Ciidamada Nabadsugida Dowlad goboledka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada  Cabudwaaq  ee Gobolka Galgaduud ay gacanta ku dhigeen Nin maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada ku raad joogeen.

Ninkaas oo Magaciisa lagu soo koobay Bootaan ayaa waxaa la sheegay in uu ku eedeysan yahay in uu wax ka abaabulay dilkii Bishii hore Magalada Cabudwaaq loogu geystay labo qof oo Shacab ahaa.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in Ninkaasi baritaan dher kadib ay u gudbiyeen Caasimadda Galmudug ee Magaalada dhuusamareeb si loo maxkamadeeyo oo Cadaaladda loo horkeeno.

Qabashada shaqsigaan ku Eedeysnaa Abaabulka dilkii degmada Cabudwaaq ka dhacay Bishii hore ayaa aad u soo dhaweeyay Bushada degmada iyo dilkii ka dhacay degmadaas uu abuuray xiisad dagaal wallow markii dambe xal laga gaaray.