DEG DEG:- Rag hubeysan oo weerar ku dilay Saraakiil ka tirsan Millateriga Soomaaliya

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana weerarkas ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Maleeshiyaadka ayaa gaadiidka ay wateen Ciidamada oo ay inta badan saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milalteriga soomaaliya ayaa rasaaseeyay xilli ay marayeen duleedka Degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay rasaastaas, waxaana warraka horudhaca ah ee la helayo ay sheegayaan in ilaa lix Ruux oo isugu jira Askar & Ciidamo ay ku geeriyoodeen weerarkaas.