Madaxweynaha Galmudug oo Go’aan cad ka qaatay doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug ayaa bilaabay wada hadal uu ku dhammeynayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka & musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ee kahor yimid Guddiga maamulada Doorashada 20/21.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu Xukuumadda Federaalka uga cudur daartay in Guddiga uu soo gudbiyay lagu biiriyo tababarka la siinayo.

Ujeedka uu u qaatay go’aankaas ayaa ah sidii uusan dhaawac siyaasadeed ugu geysan lahayn wada hadalka uu la leeyahay Madaxda Dowladda Federaalka & Midowga Musharixiinta oo saluugsan shaqsiyaad ku jira Guddiga Maamulada Doorashada 20/21.

Qoor-Qoor si toos ah ayuu sheegay in maamulkiisa uu ku dhiiranayo isu keenidda dhinacyada Siyaasadda ku kala fogaaday, waxa uu ka dalbaday in ay joojiyaan tallaabooyinka sii kala dur-jiranaya dhinacyadaan sida uu ku sheegay Khudbad uu ka jeediyay Shirka Iskaashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha DG Galmudug ayaa Muqdisho joogay muddo 20-cishe ah, waxa uu qaabilay madaxda Dowladda Federaalka & musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya intooda badan oo midba mar waqti la qaatay.