Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay Saraakiishii la dilay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gudoomiyaha Shirka Golaha Wasiirada ee khamiislaha ah oo looga hadlo xaaladda dalka.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dardargalinta howlaha xukuumadda horyaalla oo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo sidoo kale sugitaanka Ammaanka dalka.

Golaha Wasiirrada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah tacsi ugu diray ehellada lixdii sarkaal ee lagu dilay duleedka Balanbale.

Waxaa ay sidoo kale falkaasi ku tilmaameen mid laga xumaado, iyadoo uu socdo baaritaanno xoog leh oo lagu soo qabanayo kooxihii falkaas geystay, si caddaaladda loo horkeeno.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa amray laamaha Ammaanka in ay caddaalada horkenaan kooxihii ka dambeeyay in askartaasi la xasuuqo.