Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Janeraal Xasan Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Xubno Xubno tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Garoowe.

Safarkaan oo qeyb ka ah safarro raysal wasaaruhu ku marayo caasimaddaha dowlad gobleedyada ayuu wuxuu ku saabsan yahay dardar galinta geeddi socodka doorashada iyo xallinta tabashooyinka laga muujinayo hannaanka doorashada.

Raysal wasaaraha oo ay u noqonayso safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagayo Puntland, isagoo raysal wasaare ah, ayaa halkaas ku sugnaan doona muddo labo cishe ah, isagoo wada hadal la yeelandoono madaxda Puntland.

Puntland ayaa kamid ah maamulada aan weli dirin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo ka walaacsan qaabka hannaanka doorashadu ku socdo.