Ciidamada Puntland oo sameeyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidamada ilaalinta xeebaha Puntland ee PMPF ayaa Saacadihii la soo dhaafay Howl Gallo qorshaysan oo lagu Beegsano Al-Shabaab ka sameeyay deegaano kala duwan oo hoos taga Buuralayda Calmadow oo ka mid ah deegaanada inta Badan ay hab dhuumasho ah ku soo galaan Daacish.

Ciidamadan ayaa si gaar ah u beegsaday Deegaanada Xidid iyo Milxo oo ay Al-Shabaab dhaqdhaqaaqyo ka wadeen maalmihi aynu soo dhaafnay.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay Ciidamadan howl gallada Daacish la dirirka ah samaynayay deegaanada Calmadow iyadoona ciidamadu kulamo wacyi galin ah la qaateen waxgaradka Bulshada deegaanadaasi.