Dhacdo Naxdin leh: Hooyo Carruur ay dhashay gubtay

Afar Carruur ah oo Walaalo ah ayaa Hooyadii dhashay ku gubtay Deegaanka Naqdhabiijo oo ku yaalla bariga gobolka Togdheer.

Laba ka mid ah Carruurta ayaa geeriyooday halka labadii kale oo dhaawac ah-na la geeyay Issbitaalka magaalada Burco.

Wariye Xabiib Cige Xasan, oo Burco ku sugan ayaa sheegaya in Hooyada Carruurta gubtay Ciidamadu gacanta ku hayaan.

Weli ma cadda sababta Hooyadani u gubtay Carruurteeda, waxaana Caawa aad looga hadal haayaa degaanka uu falkaan ka dhacay.