Guddoomiye Mursal oo sheegay in Golaha Shacabka uu sii Shaqeyn doono

Ajendaha Kulanka Ayaa Looga Doodaya

Agendaha

  1. Akh 1aad ee Miisaaniyadda 2021
  2. Akh 2aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga

Kulanka Waxa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mudsal Shekh Cabdiraxman

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa mar kale ku celiyay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada  hogaamiyo isla markaana la dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulan hada ka socda xarunta Golaha Shacabka ee arrimaha miisaaniyadda 2021 looga hadlayo.