Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wasiiro Cusub Magacaabay

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wasiirada dhalinyarada iyo ciyaaraha, Dekeddaha iyo dastuurka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa loo Magacaabay Ibraahim Cali Aadan Najax.

Cali Maxamed Cali Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka badda Koonfur Galbeed ayaa loo Magacaabay halka Cumar Axmed Aadan loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda dastuurka Koonfur Galbeed.