Midowga Musharixiinta oo kulan la leh siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi

Waxaa goor dhow Muqdisho kulan uga furmay golaha Midowga Musharixiinta iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada labada aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi.

Kulankaan ayaa looga arinsanaya xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo tabashooyinka la xiriira guddiga doorashooyinka.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Hassan Sheikh Mohamud ayaa golaha Musharixiinta waxay ku dhageysan doonaan tabashooyinka la xiriira guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ay qeybtooda ka muujinayaan siyaasiyiinta gobolada waqooyi.

Waxaa kulankan uu qeyb ka yahay kulamada joogtada ah ee golaha Midowga Musharixiinta uga arinsanayaan caqabadaha ku hor gudban doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda.