Dastuurka Soomaaliya oo dhacaya & Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan laga cabsi qabo in dalka uu noqdo mid Dastuur la’aan ah, isla markaana uu u baahan yahay in la badbaadiyo.

Dastuurka dalka ee dib u eegista ay ku socoto ayaa qorshuhu ahaa in la dhameystiro kadibna afti dadweyne lagu meel mariyo Afartii Sano ee muddo kooban ay ka harsan tahay ee dowladda Madaxweyne Farmaajo, balse aan lagu guuleysan, waxaana hadii aan go’an deg deg ah lag qadan ay keeni kartaa in dalka uu dastuur la’an noqodo ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xasan Sheekh.

Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aad u dheer ayaa lagu sheegay in Afartii Sano ee uu xilka haayay ay suurteli weysay duruufo jira iyo sababo amni  in Dastuurka la dhameystiro, balse si loo badbaadiyo uu baarlamaankii Baarlamaankii 10aad waxka bedel ku sameeyay qodobka 138aad, kaas oo dib loogu dhigay ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka KMg ah, intaasi kadibna uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baqay in Baarlamaanka labada Aqal ay isugu yimaadaan kulan wadajir ah oo deg deg ah, kaas oo dib loogu dhigayo ansixinta kama dambeysta ah ee Dastuurka KMG ah, isla markaana Baarlamaanka 10aad uu u gudbinayo waajibkaas  baarlamaanka 11aad si afti daweyne loo qabto.

xasan