Hanti-dhowrka oo shaaciyey magacyada wasiiro iyo xildhibaano ay ku maqan tahay hanti dowladeed

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray qoraal looga dalbanayo gaadiid ka maqan hey’addaha dowladda oo ay horay u qaateen Wasiiro xilal hayay iyo xubno kale.

Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.

Liis wasiiro hore u ahaa oo uu soo saarey hanti dhowrka qaranka ayaa lagu dalbadey inay dib ugu soo celiyaan gaadiidka dowlada .
Liiska wasiiradaasi iyo xildhibaanadaasi oo gaadiidku ay ku maqanyihiin ayaa ah 14 qof oo isugu jira xidhibaano iyo wasiiro waxaana kamid ah.