Kulan u socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa caawa kulan la leh Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Gudoonkooda oo muqdisho ku sugan.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa looga arinsanayaa Arrimaha Siyaasada doorashooyinka iyo culeesyada Galmudug kala kulmi karto Doorashada.

Xildhibaanada qaar oo kulanka lagu casuumay ayaa kulankan ka baaqsadey, iyada oo aan weli la ogeyn sababta ka dambeeysa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waday dhex-dhexaadinta Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharixiinta oo isku khilaafsan Guddiyada doorashoyinka we Magacaaban.