Madaxweynaha Soomaaliland oo u duulay Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka kasii sagootiyay Wasiiro iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan Soomaaliland, waxaana la sheegay in uu la kulmi doona dhiggiisa Kenya Mr. Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-diblomaasiyaddeed oo Sar sare.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Muuse Biixi uu Casumaad ka helay dowladda Kenya, islamarkaana labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan qodobo isugu jira Siyaasad iyo Ganacsiga.

Socdaalka madaxweyne Biixi, ayaa ku soo beegmaya xilli cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya sii  xumaanayo, isla markaana labada dowladood ay qaadayaan Go’aano iska soo horjeeda.