Puntland iyo Xukuumadda Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday

Wasiirada waxbarashada Puntland iyo heer federal oo kulamo saacado qaatay ku yeeshay Garoowe ayaa warbaahinta u soo bandhigay heshiiska la gaarey waxaana ay sheegeen in la fasaxay shahaadadii fasalka 12aad ee dugsyada sare ee Puntland.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen wasaaradaha waxbarshada Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen madaxda labada wasaaradood ay isku afgarteen qodobada kala ah.

1- In adayda Puntland ee dhamaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federaalka oo laga heli doono xarunta Wasaaradda Waxbarshada Puntland iyo tan Federaalka ee Muqdisho.

  1. In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbashada dalka.

Muddo labo sano ardayda Puntland ee dhamaysatay dugsiyada sare ayaa helin shahaadada Dowladda Federaalka.