XOG: Villa Somalia oo dirtay wafdi xal u raadinaya xiisada kala dhaxeeyso Imaaraadka

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in todobaadkii hore magaalada Qaahira ee dalka Masar uu safar ku tagay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif, kaasoo farriin gaar ah ka siday Madaxweyne Farmaajo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya farriinta uu siday Xasan Khaliif ay isugu jirtay arrimo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa arrinta wada hadalada Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya dooneyso in dib loo bilaabo, si xiriirka labada dal caadi loogu soo celiyo.

Safarka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ku tagay Masar ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya wajaheyso marxalad doorasho, iyadoo Masar loo arko xilligan inay door weyn ka ciyaari karto doorashada Soomaaliya, waxaana dhowaan Qaahira tagay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynayah iyo Siyaasiyiin oo ay ku jiraan Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle, Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, halka kuwa kalena la filayo inay dhowaan tagaan.