Madaxweynaha Somaliland oo kulan qaatay Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah k jooga Magaalada Nairobi ayaa maanta kulan la qaatay madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku qaabilay madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xubno kamid ah wafdiga la socda ee ka raacay Magaalada Hargeysa.

Mr Biixi iyo wefdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa Madaxweyne Uhuru kenyata waxaa ay kala hadleen Arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo dadrdar gelinta Ganacsiga.

Sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadooda qaadan doonto muddo sadex Cisho ah ayaa  waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

Madaxtooyada Kenya oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in Maalinta berito oo talaado ah ay markale wada kulmi doonaan labada mas’uul si ay usii ambaqaadaan wada-hadallada u dhaxeeya.