Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa la filayaa in  uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Afartii Cisho ee la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare rooble waxaa uu Magaalada Garoowe kulan kula lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana la sheegay in kulamadaas aysaan wax natiijo ah kasoo bixin.

Kulamadii u dambeeyay ee dhex-maray labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday Puntland inay soo Magacaabaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad-goboleed, balse Madaxweyne Deni ayaa ku adkaystay in marka hore laga hadlo arrinta gobolka Gedo iyo Doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS, waxaana taasio ay keentay in maanta uu soo geba-gabeeynayo ra’iisul wasaaraha booqashada u ku joogay Garoowe.

Wafdi hor dhac u ah Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb, waxaana la filayaa inuu Maanta halkaasi tago, iyada oo qaban qaabada soo dhaweyntiisa laga dareemayo magalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan bilawga sanadka cusub ee 2021 iyo muranka ka dhashay guddiyada doorashooyinka.