Dagaal ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Dagaal xoogan ayaa ku dhexmaray isgoyka fagax ee magaalada mudisho Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo koox maleshiyaad ah oo ilaalinayay dadka dhigaya banaanbaxa looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo.

Dhowr qof oo ka mid ah banabaxaasha ayay ciidamada xabsiga u tabaxeen sida ay sheegeen goobjogiyaasha.

Wararka kale ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ee ku sugnaa Isgoyska Fagax ay isaga tageen, isla markaana ay ku xaroodeen Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Wadooyinka caasimada ayaa wxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u tira badan kuwaas oo ka hortagayo dadka banaanbaxa dhigaya.