Dowladda Turkiga oo Ciidamo horleh u tababareysa Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa muqdisho ka Sagootiyay Xubno ka tirsan Ciidanka Kumaandooska gorgor oo tababar ku soo qaadan doona dalka Turka.

Ururka 6aad guutadiisa koobaad oo ah Ciidamada Maanta uu Garoonka Diyaaradaha aaden Cadde ka sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tababar gaar ah soo qaadan doono.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda ayaa muqdisho ku soo dhaweeyay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada , waxaana tababar ay ku soo qaateen Turkiga.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa wada dadaalo Xooggan oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga si ay awood ugu yeeshaan in ay Ciidamada AMISOM kala wareegaan Ammaanka dalka.