Madaxweynaha Somaliland & Uhuru Kenyatta oo Maanta markale kulmaya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta tallaado ah mar kale Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan kula qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo noqon doono mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kaal duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Sidoo kale kulanka dhexmaraya Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Somaliland ay ku sheegtay in lagu dhameeystirayo qodobo dhowr ah oo  shalay labada Madaxweyne ka wada hadleen, iyadoona la filayo inay heshiis gaaraan