Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday munaasabad ka socota Muqdisho

Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa xiligaan waxaa ka socota Munaasabad looga hadlaayo qoondada haweenka ee Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Haweenka ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Ururada Haweenka iyo marti sharaf kale oo lagu Casuumay xaflada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta lagu waday inuu ka qeyb galo Munaasabadda ka socota Xarunta Tiyaatarka Qaranka, isla markaana uu ka jeediyo khudbad uu uga hadli lahaa xaaladda siyaasadeedka iyo Arrimaha doorashada.

Warar la helayo ayaa sheegaya Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqday Munaasabadda ka dhaceysa Xarunta Tiyaatarka, waxaana halkaas gaaray oo ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mahdi Guuleed iyo  Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in madasha ay ka jeediyaan khubad ay uga hadli doonaan Arrimo kala duwan, welina lama oga sababta uu Madaxweynaha u baaqday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa xiray waddooyin dhow oo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyadoona xaafado qaar ee Magaalada ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo.