Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo Maanta xiran

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar  isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama,Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Sababaha Maanta loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in maanta banaanbaxyo iska soo horjeedda ay ka dhacaan Muqdisho.

Banaanbax lagu taageerayo dowladda Soomaaliya ayaa abaabulkiisa waxaa uu ka socda Muqdisho, iyadoo saakay la arkayay haween isku soo baxay wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tilmaamaya in maanta musharaxiinta Mucaaraadka ah ay abaabulayaan banaanbax ka dhan dowladda Soomaaliya.