Midowga Musharixiinta oo si kulul uga hadlay Hub la siinayo dowladda Madaxweyne farmaajo

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay hub iyo saanad Milateri oo dowladda Turkiga ay qorsheneyso inay soo gaarsiiso dowladda Federaalka Soomaaliya, xili dalku aaday Doorasho.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay ogaadeen qorshaha hubka lagu keenayo Magaalada Muqdisho, isla markaana hubkaas la soo saari doono diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga oo nuuciidu yahay TUAF767.

Musharaxiinta ayaa sheegay in hubkaas oo la doonayo in Caasimadda dalka laga soo dejiyo inta u dhexeysa 16 ilaa 18-ka bishaan December 2020 uu sigaar ah ugu socdo Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ee uu tababaray Turkiga.

Sidoo Musharaxiinta ayaa tilmaamay inay aad uga walaacsan yihiin xaddiga hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah  ee Soomaaliya ka dhaceysa doorashada 2020/2021, uuna ka taagan yahay muran xoogan.

Midowa Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay u diray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, isla markaana ka dalbaday inuu dib u dhigo Hubka Dowladda Turkiga qorsheneyso inay keento Muqdisho 18-ka bishan.

Ugu dambeyn Musharaxiinta ayaa xusay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu horey u adeegsaday ciidamada dowladda ee Harmaad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyin ka dhacay maamul Goboleedyada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta.

Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.

Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.