XOG: YAA FUDUDEEYEY SAFARADII MUSHARAX KHEYRE DALALKA RUUSHKA IYO QADAR

Ilo xog ogaal ah oo katirsan diblomaasiinta safaarada  Qadar ayaa noo xaqiijeyey in safaradii musharax Xasan Cali Kheyre uu ku kala bixiyey dalalka Ruushka iyo Qadar ay kadanbeeyeen Xubno katirsan Hay’ada NISA.

Musharax Xasan Cali kheyre Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa lasheegey in uu heley fursad aanu helin mushraxiinta dhigiisa ah kadib markii loo fududeeyey safaro  caalami ah kuwas oo kula soo kulmey wasiirka Amuuraha Dibada Dalka Ruushka iyo Dhaxal sugaha Dalka Qatar.

Qaar kamid ah warbaahinta Madax banaan oo u kuurgashey sida ay ugu suuragashey in uu lakulmo musharax aan xil dowladeed hayn madaxdaaas heerka sare ah, ayaa ogaatey in Mr. Kheyre  uu  u fududeeyey masuul katirsan hay’ada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka soomaaliya.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka NISA Cabdullahi Daahir Cabdullahi Dheere oo lagu tiriyo shaqsiyaadka MD Farmaajo kudhaarto ayaa lasheegey in uu soo saarey Visa-ha Musharax Kheyre kutagay Ruushka iyo Qadar.

Diblomaasiyiin safaarada soomaaliya ee dalka qadar oo magacooda qariyey ayaa sheegey in safarada musharax kheyre uu fududeeyey  Masuulkaan katirsan Hay’ada NISA isla markaana kaga soo hormarey dalka Qadar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in habeenkii isniinta kheyre lageeyey Qasriga madaxtooyada  Dalka Qadar waxaana kulanka qeyb ka ahaa Teliyaha Hogaanka Dbagalka NISA oo markii horaba soo qabanqaabiyey.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka oo ah shaqsi wajiyo badan ayaa larumeysan yahay in uu isticmaalo kaarar badan si uu usoo saarto hogaamiye isaga ka amar qaata walow dowlada mareykanka oo wakiil u yahay ku cadaadineyso in uu dhexdhexaad ka noqodo arimaha doorashada soomaaliya.

Ilo ku dhow sargaalkaan ayaa noo sheegey in uu kacareysan yahay ficilada dowlada ay kawado deegaanada jubaland isagoo lasheegey in uu dhoor jeer kala Hadley MD farmaajo in lajoojiyo ciidamada lagu daad gureynayo gobolka gedo balse farmaajo kabiyo diidey.

Safarka Kheyre ayaa la fahamsanyahay in uu wax ka ogyahay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo si wayn uga soo horjeeda in dib loo doorto MD farmaajo.