Ciidamada Dowladda oo joojiyay kulan lagu taageri lahaa Musharax Mustaf Dhuxulow

Kulan lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo ka dhici lahaa Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Ciidamada Amniga is hor-taag ku sameeyeen.

Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay ciidamada Nabadsugida inay xanibeen oo amarkaas uu bixiyay Taliska NISA.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin Arrintaan, hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta inta badan ay xirnaayeen wadooyinka Muqdisho