Musharax Daahir Geelle oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Musharax Madaxweyne daahir maxamuud Geelle oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee  dalka, waxaana uu farriin u diray shacabka iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya qaybahooda kala duwan.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne maxamed Cabdullaahi maxamed Farmaajo uu wado cabburin siyaasadeed, waxaana uu intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu dalka galinayo qalalaaase siyaasadeed, oo aan hadda loo baahnayn.

Ciidanka Dowladda ayuu ku tilmaamay kuwo  uu farmaajo danahiisa siyaasasadeed uu u adeegsanayo, waxaana uu ugu baaqay in ay noqdaan Ciidan Qaran balse  aysan noqon kuwo shakhsi uu danihiisa siyaasadeed ku fushado.