Puntland oo beenisay xil ka qaadis la shaaciyay

Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay xilka qaadis ay dhawaan Golaha deegaanka ee Dhahar ku sameeyeen duqa magaaladaasi, Cabdifitaax Maxamed Salaad.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay cadeynaysay in xilka qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland.