Bandow lagu soo rogay Gaalkacyo & howlgallo ka socda

Ciidamada xasilinta Gobolka mudug ayaa howlgallo waxaa ay ka wadaan Xaafadaha kala duwan ee koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo uu ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiisha Ciidamada xasilinta Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu baadi goobayo dadkii soo abaabulay qarixii ismiidaaminta ahaa ee saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda lagu dilay ee ka dhacay Gaalkacyo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay Guryaha qaar oo bartilmaameed u ah ay galayeen, sidoo kalena Bandow lagu soo rogay Xaafadaha magaalada gaalkacyo oo uu weli howlgalka ka socdo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay howlgalka ku qabteen dad u badan dhalinyaro oo laga shakisan yahay, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska magaalada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug.

Qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen dad u badan Ciidamo ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay la damac sanaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya balse ay Saraakiil Ciidan ku dileen.