Jubaland oo sheegtay in Kenya xiriirka loo jarin karin( farriin ku socota DFS)

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), ayaa beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya isla markaana aysan waxba ka quseyn go’aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya.

Wasiir Janan oo la hadlay BBC waxaa uu sheegay in Jubbaland uuusan waxba ka quseyn xiriirka ay dowladda Soomaaliya u jartay Kenya, isla markaana Kenya ay tahay wadan walaalo ah oo aan xiriirka loo jari karin.

Hadalka Janan ayaa yimid saacado uun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.

Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.